4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Golaha Wakiilada Somaliland oo dib madaxweynaha ugu celiyay masuuliyiin uu magacaabay

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa madaxweyne Biixi dib ugu celiyay 14 kamid ah 18 masuul oo uu magacaabay muddo saddex bilood iyo badh ka hor ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, oo golaha ka hor akhriyay go'aanka dib u celinta, ayaa sheegay in 14 ka masuul ee madaxweynaha lagu celiyay ay dhaafeen mudadii uu sharcigu siinayay in madaxweynuhu golaha ugu soo gudbiyo, si loo ansixiyo.

"Qodobka 114 faqradiisa saddexaad waxay u dhigantahay, masuuliyiinta qaranka ee la magacaabo si kumeel gaadh ah xilka uma hayn karaan muddo ka badan 3 bilood, ama 90 maalmood, 18 kaa mudane 14 kamid ah waxaa la magacaabay 2 bishii 9aad, waxaana naloo soo gudbiyay 13 bishii 12aad 2021. Sidaa daraadeed mudada magacaabida iyo soo gudbinta waxa u dhexeeyay 103 maalmood" ayuu yidhi Khaliif.

Guddoomiye Khaliif ayaa sheegay in ay dib u celinayaan xubnahan si madaxweynuhu uu dib ugu soo magacaabo "Waxan idiinku wargalinayaa in 18ka xubnood 14 kamid ah aan ku celin doono madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland maanta oo ay bishu tahay 2 bish 1aad, 2022, si uu usoo sameeyo magacaabis waafaqsan xeerka".

Masuuliyiinta uu goluhu diiday in uu ansixiyo sababo la xidhiidha mudda dhaaf, ayaa iskugu jira, wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo madax hay'ado dowladeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]