4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Banaanbaxyo waa weyn oo ka bilaawday magaalada Baledweyne

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle ayaa ka soconaya gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Banaanbaxa ayaa waxaa dhigaya boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid guud ahaan xaafadaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo kasoo horjeeda weerar saaka ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ay ku qaadeen ciidamo uu hoggaaminaayo sarkaal lagu magacaabo Korneyl Nuur dheere.

Banaanbaxayaasha ayaa kala xiray guud ahaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha iyo ganacsiga magaalada Baledweyne, kuwaas oo dhagaxaan iyo geedo ku dhex daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee soo gala kana baxa gudaha Baledweyne.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya erayo ay ka mid yihiin Hirshabeelle dooni meyno Cali Guudlaawe dooni meyno Dabageed dooni meyno Cali Jeyte dooni meyno iyo erayo kale oo ka dhan ah maamulka Hirshabeelle.

Ma ahan markii ugu horeysay oo banaanbaxyo noocaan oo kale ah oo looga soo horjeedo Hirshabeelle ay ka dhacaan gudaha magaalada Baledweyne, waxaa xusid mudan in shacabka reer Baledweyne gaar ahaan Beesha Xawaadle ay si weyn u diidan tahay jiritaanka maamulka Hirshabeelle tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online