4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo joojisay xildhibaanno lagu kordhiyay golaha deegaanka Buuhoodle
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa joojisay dhaqangalka 6 Xubnood oo uu Duqa Degmada Buuhoodle u dhaariyey ka mid noqoshada Golaha Deegaanka Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in aan loo marin sifo sharci xildhibaannada shalay loo dhaariyey ee lagu siyaadiyey Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle.

Duqa Buuhoodle ayaa ku adkaystay in ay degmadooda xaq dastuuri uleedahay xubnaha lagu kordhiyay golaha deegaanka, isagoo sheegay in ay kala mid tahay degmooyinka kale ee Puntland ee leh 31 xubnood oo gole deegaan ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online