4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Jubbaland oo dib u dajin u sameynaysa dadkii xoolahoodii ku waayay abaaraha

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Kadib abaartii darnayd ee haleeshay deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland, ayaa haatan maamulku wuxuu sheegay inuu dib u dajin u sameynayo dadkii abaartaas ay saameysay ee ku xoolo beelay.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dadka abaaruhu saameeyeen laga kaabi doono cunnada iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin.

Wasiirka gargaarka Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in saddexda gobol ee Jubbaland ay ka sameeyeen meelo loogu talo galay inay hoy ka dhigtaan dadka abaaruhu soo barakaciyeen, si loo siiyo raashin iyo agabka nololeed ee ay u baahan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in hadda la ansixiyay 28,000 qoys oo lasiinayo kaararka cuntada. Wuxuu sheegay in dhammaan dadka abaaruhu heli doonaan gargaar isku mid ah, iyadoo la eegayo sida ay u kala baahi badan yihiin.

Wuxuuu sheegay qorshaha xiga inuu yahay marka abaaraha laga baxo, in qoysaska laga saaro xaaladda barakaca, dibna loogu celiyo deegaannadii, iyadoo loo sameeynayo xoolo goyn dadkii xooluhu ka dhamaadeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online