4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Wasiirka amniga: Ma quseeyo go'aanka aan soo saaray ciiddanka NISA ee ku sugan baraha lagasoo galo garoonka Aadan Cadde
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay go’aan uu shalay soo saaray oo la xiriiray isbedelka ciidamada NISA ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde, inuu quseeyo kaliya Ciidamada dharcadda ah ee ka hawlgala Gudaha Garoonka Diyaaradaha (Terminal ka).

Wasiirka amniga ayaa sheegay go’aankiisa inuusan quseeynin Ciidamada gacanta ku haya baraha Koontoroolada ee garoonka.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shalay ku amray taliyaha ku meel gaarka ah ee hay'adda Nabadsugida in ciidanka NISA aysan ka shaqeyn karin garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirka ayaa faray taliska NISA in ciidanka uu kasoo saaro garoonka, islamarkaana amniga guud ee garoonka inuu ku wareejiyo ciidanka Booliiska Soomaaliya.

Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay go'aanka wasiirka amniga. iyadoo aan la ogayn sababta ka dambeysa arrintaan.

Guddoomiye ku xigeenka amniga ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali ayaa sheegay in aysan raali ka ahaan doonin wuxuu ugu yeeray in laga ganacsado amniga caasimadda.

Qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebebook ayuu ku sheegay inay si deg deg ah oo aan daahis laheyn u billaabi doonnaan la xisaabtan ficil ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online