4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Shiinaha oo Maraakiib dagaal usoo diray biyaha Soomaaliya


Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Dowladda China ayaa saddex markab oo ay leedahay waxay aay  ka ambabaxeen dekadda Guangdong, waxay gaareen gacanka Cadmeed si ay uga qeyb qaataan howlgalada caalamiga ah ee lagula dagaalamayo burcad badeeda Soomaaliya.

Balse iyada oo waqtiga Soomaaliya uu ku egyahay bisha March, su’aasha ugu muhiimsan ayaa ah intee in le’eg ayay qorshaha iyo ciidamada badda sii joogi karaan biyaha Soomaaliya?

Markaakiibtaan Shiinuhu leeyahay waxaa ku rakiban gantaalaha la hago ee loo yaqaan Hohhot, waxaana la socda daraasiin ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo laba helikobter ah.

Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay waqtiga yare ee howlgalka la dagalaanka burcad badeedda ka harsan, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in din looga fekero.

Bishii December, golaha ammaanka ayaa kordhiyay muddo saddex bilood ah waajibaadka howgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya, inkastoo dowladda Soomaaliya ay rabto in howlgalkaas lasoo afjaro.

Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa u sheegay golaha ammaanka in Soomaaliya ay ka joogsadeen howlihii burcad badeedda loona baahan yahay in Soomaaliya iyada lagusoo wareejiyo ammaanka baddeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online