4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Jenaraal Xuud oo sheegay inuu ku wajahan yahay Magaalada Muqdisho, lana kulmayo madaxweyne Farmaajo
 

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka gobolka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud iyo xubno ka tirsan saraakiishii Golahaas ayaa lagu wada in saacadaha soo socda ee maanta gaaraan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Safarka Jenaraal Xuud ee lagu wado inuu ku gaaro magaalada Muqdisho ayaa yimid kadib wadahadalo dhexmaray isaga iyo wafdi dowladda Soomaaliya ka socday oo uu hoggaaminaayay Taliyaha ciidanka Dhulka Jenaraal Maxamed Tahliil Biixi, kuwaas oo isku afgartay heshiis hordhac ah oo ku aadan in si nabadgalyo ah lagu dhameeyo tabashada Golaha Kacdoonka.

Jenaraal Xuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Muqdisho uu u tagayo si uu ula kulmo madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uu kala hadli doono tabashada ay qabaan reer Hiiraan.

"Taliyaha ciidanka dhilka waxaan isla qaadanay in wax walba si nabad ah lagu dhameeyo, waxaana hadda muuqata in xalka Hiiraan boqolkiiba todobaatan inuu xalismayo marka aan la kulmo madaxweyne Farmaajo, Waxaan u socda Muqdisho oo aan kula kulmi doona madaxweyne Farmaajo" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Waxuu intaasi ku daray Jenaraal Xuud ineysan jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray isaga iyo maamulka Hirshabeelle, balse cida ay wadahadalka ay la galeen ay tahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya, Jenaraal Xuud iyo ciidamadiisa ayaa muddo hal sano ah waxay magaalada Baledweyne u diidanayeen inuu yimaaado madaxweynaha Hirshabeelle, ayagoo diidana jiritaanka maamulka Hirshabeelle.

Sikastaba ha ahaatee waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Jenaraal Xuud iyo qaar ka mid ah sarakiishii kale ee Golaha Kacdoonka Hiiraan inay ku kala qeybsameen oo ay diideen Safarka loo qorsheeyay iney Muqdisho ku tagaan Jenaraal Xuud iyo xubanaha kale ee Golahaasi si ay ula soo kulmaan madaxweyne Farmaajo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online