4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 19, 2022
Alshabaab oo sheegtay inay 20 askari ku dileen weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho

Arbaco, Janaayo, 19, 2022 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa aheegatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayad u dhaw  Xerada tababarka Ciidamada Gen. Dhagabadan Ex. Xero Nacnaca ee dagmada Wadajir.

Bayaan kasoo baxay kooxda Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay 20 kamid ah ciidamaada Dowladda Soomaaliya ee lagu tababaray xerada Turkigu maamulo.

Waa weerarkii labaad oo ismiidaaamin ah oo muddo todobaad gudihiis ah ka dhaca Muqdisho. Alahabaab waxay sheegeen in ay bartilmaameed ka dhigteen goob ay isugu yimaadaan ilaalada xerada dhaga-badan.

Dhinaca kale dowladda federalka ayaa sheegtay in qaraxaan ay ku dhinteen afar qof iyo dhaawaca 14 kale, kuwaas oo ay sheegtay in ay ahaayeen dad shacab ah oo ku sugnaa maqaayaad kasoo horjeeda xerada Turkigu ku tababbaro ciiddanka.

Alshabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kordhisay weerarada qofka ismiidaamiyaha, waxayna horey ula beegsadeen oo ku dileen agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Afrika, halka ay maalmo ka hor lagu dhaawacay afhayeenkii xukuumada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online