4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Magaalada Muqdisho
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana jugtiisa laga maqlay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyay ruux isku soo xiray Jaakada waxyaabaha qaraxa, kaaso la sheegay inuu isku dhex qarxiyay goob maqaaxi ah oo lagu shaah cabo oo kasoo horjeeda Xero Nacnac ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay qaraxaan uu fuliyay ruux naftii halige ah ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 ruux, waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 10 ruux oo kale.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana sidoo kale la arkaya gaadiidka gurmadka deg dega ah oo gurmad u sameynaya dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa.

Lasoco waxii war ah ee kusoo kordha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online