4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo wada hadal la yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Marwo Vicky Ford. xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labad Dal.

“Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shalay ku dhawaaqday 10 milyan oo dollar oo ay ku caawinayso gargaarka bini’aadinimo ee Soomaaliya, waxaana taageeradan loogu talo galay in looga jawaabo saamaynta ka dhalatay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Vicky Ford ayaa taageerada UK kaga dhawaaqday iyadoo ku sugan dalka Kenya, waxayna sheegtay, Uk in ay si dhow dalalka bariga Afrika uga caawinayso kasoo kabashada abaaraha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online