5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Taliska ciidanka xoogga dalka oo sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen 13 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaanada Mubaarak iyo Daarusalaam oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalada ay sameeyeen ciidanka Kumaandooska ay ku burburiyeen Saldhigayadii dagaalamayaasha Al-shabaab ee deegaanada Daarusalaam iyo Mubaarak.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan intii uu socday ay ku dileen 13 ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, isagoona tilmaamay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaadiid isugu jiray baabur caadi ah iyo Mootooyin uu sheegay iney lahayeen Al-shabaab.

Jenaraal Odawaa ayaa uga mahadceliyay ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Mareykanka oo uu sheegay iney gacan weyn ku lahayeen howlgalka qorsheysan ee ciidanka Kumaandooska fuliyeen, isagoona sheegay in howlgalkaani uu qeyb ka ahaa howlgalada ay ku doonayaan in Al-shabaab dalka looga saaro uuna sii socon doono.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan deegaanada ka tirsan gobolada Shabeelooyinka waxay ka sameeyaan howlgalo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab oo ka talisa inta badan deegaanada labadaasi gobol ee Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online