4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 18, 2022
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerar duqayn ah lagu weeraray dalka Imaaraatka
 

Talaado, Janaayo, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar duqayn ah oo shalay lagu weeraray magaalada Dubai ee xarunta ganacsiga dalka Imaaraatka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dadkii dhintay & qoysaskooda, wuxuuna weerarkaan ku tilmaamay fal argagixisanimo oo khatar weyn ku ah gobolka iyo caalamka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay garab istaagan tahay shacabka Imaaraadka Carabta.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ka dambeeysay weerar lagu qaaday Imaaraatka Carabta, waxaana lagu tilmaamay howlgal loo adeegsaday gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka.

Weerarkaan oo lala beegsaday gawaari shidaal, waxaa ku dhintay saddex qof, waxaana ka dhashay dab ka kacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Abu Dhabi.

Duqeynta Khaliijka Carabta waxaa laga yaabaa inay caqabad ku noqoto dadaallada lagu xakameynayo xiisadaha gobolka, xilli Washington iyo Tehran ay ka shaqeynayaan badbaadinta heshiiskii Nukliyeerka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online