4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2022
Wasiir Koore "Maxaa sababay in si dagan loo wada aqbalo go'aanka maxkamada?"
 

Isniin, January, 17, 2022 (HOL) - Wasiirka Warfaafinta Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumada Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in go'aanka maxkamadu uu waafaqay go'aankii xukuumada ee ahaa in la furo ururrada siyaasada.

Wasiir Koore, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland ay dhankeeda si wayn usoo dhawaynayso xukunka maxkamadda "Waxaanu si buuxda oo milgo leh, usoo dhawaynaynaa qaraarka maxkamada dastuuriga ah, qodobkasta, xarafkasta iyo qaabkasta oo ay u dhigtay".

Wasiirka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in xisbiyada mucaaradku ay ka xanaaqeen go'aankii xukuumada ee furista ururrada, go'aanka maxkamada-na ay aqbalaan "Is waydiintu waxay tahay kulaylkii hore iyo go'aankan sida dagan loo qaatay maxaa sababay?".

Dhamaan axsaabta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay go'aanka maxkamadda dastuuriga ahi ay ka gaadhay xeerkii lagu muransanaa ee furista ururrada siyaasada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]