4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2022
Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Macalimow oo looga qaaday dalka Turkiga si loogusoo daaweeyo
 

Isniin, Janaayo, 17, 2022 (HOL) - Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa galabta xaalad caafimaad awgeed dalka dibaddiisa loogu qaaday.

Macalimow oo shalay ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula eegtay ayaa dowladda federalku u qaadday dalka Turkiga, si loogasoo daweeyo dhaawacyo kasoo gaaray qaraxa.

Masuuliyiin katirsan xafiiska raysal waaaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in Macalimow uu u baahan yahay in daryeel caafimaad oo dheeraad ah loogu soo siiyo dalka Turkiga. Waxay sheegeen in xaaladdiisa caafimaad ay haatan wanaagsan tahay.

Waxaa Macalimow wehliya darawalkiisii oo qaba dhaawac culus, waxaana la rajeynayaa in labadaba xaaladdooda wax loogasoo qaban doono Turkiga.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online