4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2022
UK oo ku dhawaaqday 10 milyan oo doollar oo ay ugu talo gashay wax ka qabashada saamaynta abaaraha Soomaaliya

Isniin, Janaayo, 17, 2022 (HOL) - Wasiirka dowladda UK u qaabilsan Afrika, Vicky Ford MP, ayaa maanta (17 Janaayo 2022) ku dhawaaqday 10 milyan oo dollar oo ay UK ku taageerayso dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ba’an.

Vicky Ford MP ayaa taageeradan waxay kaga dhawaaqday iyadoo ku sugan gudaha dalka Kenya, halkaas oo ay ku joogto booqasho ay ku marayso saddex waddan oo kuyaalla Bariga Afrika ah.

Maalgelintan ayay UK ku bixindoontaa qeyb kamid ah in cunto degdeg ah iyo biyo lagu gaarasiiyo qoysaska nugul ee Soomaaliya oo dhan, kuwaas oo si ba’an ula ildaran abaarta aan joogsiga lahayn.

Taageeradan ayaa qayb ka ah 17 milyan ginni oo ah taageerada UK ee wadamada ku yaal bariga Afrika ee ay saameeyeen abaaraha ba'an iyo fatahaadaha.

Maalgelintan ayaa la filayaa in lagu taageero ku dhawaad 500,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya si ay u helaan biyo nadiif ah iyo cunto.

Abaarta Soomaaliya ayaa ah mid ka sii daraysa, iyadoo in ka badan 90% dalka ay soo food saartay xaaladdo abaareed. Waxaa jira ku dhawaad 5 milyan oo Soomaali ah oo gaajaysan, iyo 3.5 milyan oo kale oo sanadkan u baahan gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online