4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2022
Raysal wasaare Rooble oo Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadiisa Maxamed Ibraahin Macalimuu

Isniin, Janaayo, 17, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadiisa Maxamed Ibraahin Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax Ismiidaamin ah oo lala eegtay gaarigiisa.

Raysal wasaaraha ayaa Macalimuu kala sheekeystay xaaladiisa Caafimaad, isagoona eebe uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, raysal wasaaraha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta ku howlan waxka qabashada Caafimaadka Maxamed Ibraahin Macalimuu, kuwaas oo u sheegay iney soo hagaageyso xaalada Caafimaad ee  Macalimuu.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ku dhaawacmay qarax argagixisadu la beegsadeen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimuu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda" ayuu lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble.

Shalay ayay barqadii aheyd markii weerar Ismiidaamin ah lala eegtay Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu, kaasoo tiro dhowr jeer oo hore ka badbaaday weeraro isqarxin ahaa oo ka dhacay goobo kala duwan uu ku sugnaa balse qaraxaan ayaa ahaa mid isaga si gaar ah loola bartilmaameedsaday.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online