4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 17, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Jubbaland oo shaaciyay doorashada 13 kursi oo ka mid Golaha Shacabka
 

Isniin, Janaayo, 17, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay liiska 13 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Guddiga dorashada Jubbaland ayaa horay waxay u shaaciyeen dooraahada 14 kursi oo 6 ka mid ah horay u qabteen, waxaana maamulka Jubbaland uu noqonaya maamulkii shanaad ee ku dhawaaaqa doorashada kuraas cusub tan iyo waxii ka dambeeyay shirkii Muqdisho ugu soo dhamaaday madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Doorashada kuraasta Golaha Shacabka ayaa haatan u muuqaneysa mid ay si weyn u dardargelinayaan maamul goboleedyada dalka, maadama la doonayo in 40 maalin gudahooda in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.

Hoos ka akhriso liiska 13-ka kursi ee Jubbaland shaacisay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online