4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Wariye Cabdisalaan Germany oo markale xabsiga loo taxaabay

Axad, January, 16, 2022 (HOL) - Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdisalaan Germany), ayaa ciidan la aaminsanyahay in ay yihiin sirdooka Somaliland, ay ka kaxaysteen Hotelka Casood ee magaalada Hargaysa.

Wariye Bishaaro Baande, ayaa sheegtay in wariyaha ay u yimaadeen rag labis madow xidhan, kadibna ay u sheegeen in uu raaco markuu aqoonsigooda waydiiyayna ay garaaceen oo ay xoog ku kaxeeyeen.

"Intay ugu yimaadeen Hotel Casood iyaga oo xidhan dirays madow ayay usheegeen inuu soo raaco, wuxuu waydiiyey inay tusaan kaadhkooda aqoonsiga, muran iyo hadalka oo ka duulay ciidanku way garaaceen waanay qaadeen Cabdisalaan Germany hadana wuu xidhan yahay," ayay tishi Baande.

Waa markii labaad ee Germany xabsiga loo taxaabo muddo aan ka badnayn laba todobaad, 4 bishan January, ayay ahayd markii ay ciidamada sirdoonku ay si khasab ah kaga ka xaysteen gurigiisa.

Lama ya qaan sababta rasmiga ah ee loo xidhay, lakin qoraal uu ka qoray xadhigiisii hore ayuu ku sheegay in wax laga waydiiyay xidhiidhka uu la leeyahay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo uu baraha bulshada ka difaaco iyo qoraalo uu ka qoray madaxweyne Biixi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]