4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo sheegay in laysku dayay in la dilo
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Xogeeya yaasha arrimaha gudaha, arrimaha bulshada iyo xogeeyaha gaar ka ah ee musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, ayaa sheegay in laysku dayay in la dilo xili ay ka qadaynayeen makhaayad ku taala xaafada Jigjiga yar ee Hargaysa.

Xogeeyaha arrimaha gudaha Maxamed Faarax Cabdi, xogeeyaha arrimaha bulshada Maxamed Saqiid Dhame iyo xogeeyaha gaarka ah ee musharaxa madaxweynaha xisbiga Cabdiqadir Iidle, ayaa sheegay in lagu soo weeraray jeeg quraarad ka samaysan (garaafo dhalo ka samaysan).

"2:15 PM, anaga oo ka qadaynayna maqaaxidan Itoobiyaanka...waxa nalagu soo qaaday isku day dil abaabulan, niman qaar kood dirays xidhnaayeen iyo nin dhalinyaro ah oo fadhiyay, ayaa ana oo qadada dhamaysanay oo fadhina...ayaa nalagu soo tuuray jeega wayn ee biyaha lagu cabo ee quraarada ah" sida waxa warbaahinta u shegay xogeeye Dhamme.

Dhamme ayaa madaxtooyada Somaliland ku eedeeyay in ay qayb ka tahay weerarka, "Madaama oo madaxtooyaduna qayb ka tahay oo ay joogeen rag dirays xidhani, waxaanu u daynaynaa laamaha caddaalada".

Xogeeya yaasha ayaa sheegay in ay dhacdadan u gudbiyeen ciidamada booliiska, isla markaana ciidanku si fiican ugala shaqeeyeen ilaa hadana ay ku jiraan baadhis.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]