4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Somaliland: Maxkamada sarre oo go’aan kasoo saartay dacwada xeerka furista ururrada siyaasada
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Maxkamada Sarre ee Somaliland, ayaa gabi ahaanba diiday dacwadii ay 46 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ay ku doonayeen in maxkamadu ay fasiraad kaga bixiso qodobada 77aad iyo 78aad ee dastuurka ee la xidhiidha xeerka furista urrada siyaasada. Maxkamada ayaa sidookale aqbashay dacwad ay u gudbiyeen 24 siyaasi.

Maxkamada ayaa diiday dacwada ay u gudbiyeen xildhibaannadu ee ku saabsanayd fasiraada qodobada 78 iyo 77 ee dastuurka ee la xidhiidha dhaqangalka, kaabista iyo wax kabadalka xeerka nidaamka ururrada iyo axsaabta, nuxurkiisuna ahaa in xubnuhu codsadeen fasiraad.

Maxkamada ayaa diiday isla markaana sharci daro ku tilmaantay habka dacwadan ay xildhibaannadu usoo gudbiyeen, waxayna sheegtay in laga tir tiray galka dacwadaha maxkamada.

Maxakamada ayaa dhinaca kale aqbashay dacwad ay 24 siyaasi maxakamada kaga codsadeen inay dhaqangaliso xeerka furista ururada siyaasada ee Xeer Lr 14/2011.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo xisbigiisu aad uga soo horjeeday dacwada ay xildhibaannadu gudbiyeen, ayaa bogaadiyay go’aanka maxkamada sarre.

Hoos ka akhriso go’aaka maxkamada oo faah faahsan:-


 



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]