4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Dagaal ka dhacay duleedka Baledweyne iyo Al-shabaab oo sheegatay inuu dirqi kaga badbaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ku dhexmaray duleedka Waqooyi Galbeed ee magaalada Baledweyne ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsa Al-shabaab ay weerar jidgal ah ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo uu qeyb ka ahaa guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ku wajahnaa deegaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan oo la sheegay in guddoomiyaha uu soo dhagax dhigaayay Ceel riig ah oo halkaasi laga hirgelinayo.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu xoogiisa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Burfiiq, waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Fedaraalka, inkastoo aanan la ogeyn khasaaraha gaaray dhinaca dagaalyahanada Shabaab.

Al-shabaab oo ka hadashay weerarka dhabagalka ahaa ee maanta ku qaadeen kolanyada uu hoggaaminaayay guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxay sheegteen inuu si dirqi ah uga badbaaday weerarkooda guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waxay sidoo kale sheegteen Al-shabaab in weerarka dhabagalka ah ay ku dileen hal askari, islamarkaana ay ku dhaawaceen ilaa 4 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Fedaraalka gaar ah qeybta 27-aad.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka jidgalka ahaa ee maanta kusoo qaadeen dagaalyahano ka tisan Al-shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online