4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 10 kursi oo aqalka hoose ah
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowladd Goboleed  ee Puntland oo fulinaya heshiisyadii Madashada qaranka, ayaa maanta soo saaray qabashada jadwalka Doorashada ee 10 kursi oo ah kuraastii horey loo shaaciyay.

Guddiga ayaa sheegay doorashada shanta xildhibaan ee ugu horraysa in lagusoo gabagabayndoono inta u dhaxaysa maalmaha16-22 bisha january, waxayna doorashadooda ka dhicidoontaa magaalada Garowe.

Wajiga labaad ee doorashada shanta xildhibaan ayuu guddigu sheegay in la qaban doono 22 illaa 25ka January.

Wasiirro katirsan dowladda federalka oo u sharraxan aqalka hoose ayaa haatan ku sugan magaalada Garowe, waxaana kamid ah wasiirka kalluumaysiga iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada.

Dhinaca kale, magaalada Garowe waxaa ka billaabatay cabashadii ugu horrayay oo musharraxiin ay ka cabanayaan in kursiga HOP 200, loo xiray xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kursigaan horey ugu fadhiyay.

Musharraxiinta ayaa dhaleecayn ujeediyay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ay sheegeen inuu kursigaan u xiray xildhibaankii hore.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online