4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Duqa magaalada Jigjiga " Mudnaanta waxaa iska leh dhirta dadwaynaha ka dhaxaysa"
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Maamulka magaalada Jigjiga ayaa ka jawaabay adhi la sheegay in lagu gawracay badhtamaha magaalada Jigjiga, kaas oo lagu eedeeyay inuu daaqay dhir ay dowladdu ku beertay hareeraha waddooyinka magaalada Jigjiga.

Haddaba duqa magaalada Jigjiga Cabdifataax Ibraahim oo arrintaa ka hadlay ayaa sheegay in hadda ka hor adhi badan oo 60 neef gaaraya la gawracay, kuwaas oo dadkii lahaa ay magaalada kusoo daayeen, kaddibna daaqay dhirtii waddooyinka ku beernayd ee qurxinta loogu talagalay.

Waxa kale oo uu sheegay in inbadan dadka laga wacyi galiyay inaysan xoolahooda kusoo daynin magaalada, isla markaana dadku ay ka dhaga adaygeen inay qaataan awaamirtii ay dowladdu fartay, oo ahayd inaan xoolaha lagu soo dhex dayn magaalada, taasina ay keentay inay dowladdu qaadato go'aanka gowraca oo xal loo arkay.

Duqa magaalada Jigjiga ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta lasiinayo dhirta dadwaynaha ka dhaxaysa, ee lagu soo iibiyay canshuurtii dadka laga ururitay, looguna tala galay in lagu qurxiyo magaalada, waa siduu hadalka u dhigay Cabdifataax Ibrahim Duqa magaalada Jigjiga.

Dowladda ayaa hareeraha waddooyinka magaalada Jigjiga ku beertay dhir ay ugu talo gashay bilicda magaalada Jigjiga, taas oo ay sheegtay in dhirtaas lagu soo iibiyay lacago badan.

Dhawaan ayay ahayd markii hadh cad neef lagu gawracay badhtamaha magaalada Jigjiga, kaas oo lagu eedeeyay inuu daaqay dhirtii loogu talo galay qurxinta magaalada, arrintan ayaa keentay hadal hayn badan iyo in dadku ay arrintan siyaabo kale duwan uga falceliyaan, iyagoo inta badan sheegey inay khalad ahayd in xoolaha daaqay dhirta la gawraco, iyadoo la heli karo in si kale loo xaliyo.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]