4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Wasaaradda Amniga Hirshabeelle oo amar ku bixisay inaan hub laga soo dajin karin garoomada diyaaradaha Baledweyne iyo Jowhar
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka Amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan kheyre ayaa waxaa lagu mamnuucay in hubka noocyadiisa kala duwan laga soo dajiyo garoomada doyaaradaha ee ku kala yaala magaaloyinka Baledweyne iyo Jowhar.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in waxii ka dambeeya 15-ka bishaan Janaayo aanan wax hub ah laga soo dajin karin garoomada Baledweyne iyo Jowhar, si loo dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka.

Wareegtada ayaa sido kale wasaaradda amniga waxay ku amartay taliyeyaasha Booliiska iyo Nabadsugida labada garoon iney shaqadooda qabsadaan, islamarkaana ay la shaqeyaan Maareeyayaasha labada garoon.

Hoos akhriso Qoraalka Wasaaradda Amniga Hirshabeelle.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online