4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Haweenay u dhalatay British oo katirsanayd Alshabaab oo u carartay dalka Yemen
 

Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Samantha Lewthwaite, oo haweeney u dhalatay dalka Britain oo katirsan kooxda Alshabaab oo loo maleynayo in ay mas’uul ka tahay dhimashada boqolaal qof ayaa u qaxday dalka Yemen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Dhawaan ayey aheyd markii ay todobo sano oo ay la joogtay ninkeedii afaraad oo ahaa hoggaamiye katirsan kooxda Alshabaab oo magaciisa lagusoo koobay Sheekh Xasan, ay kala tageen ka hor inta aysan u qixin Yemen, sidaas waxaa qortay jariirada The Mirror.

Samantha Lewthwaite, ayaa ka mid ah haweenka loogu doonista badan yahay adduunka. Waxayna kamid tahay dadkii fuliyay weerarkii  argigixiso ee todobadii july-2005, ka dhacay wadadada tareenka London, oo ay ku dhinteen 56 qof.

Naanaysta ay ku dhex leedahay hay’adaha sirdoonka ayaa ah ‘Carmalada Cad’, waxaana lala xiriirinayaa weeraro argagaxiso oo ka dhacay Afrika oo sababay dhimashada in ka badan 400 oo qof.

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo haweeneydaasi kadib markii lala xiriiriyay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee dalka Kenya sanadkii 2013-kii, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof oo British ah iyo 66 qof oo kale, laguna dhaawacay ku dhawaad 200 oo kale.

Laamaha ammaanka ayaa rumeysan in falalka kale ee ay geysatay ay ka mid yihiin 148 qof oo rag hubeysan ay ku dileen Jaamacadda Gaarisa sannadkii 2015-kii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online