Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Jan 16, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada maamulka Hirshabeelle oo shaaciyay Doorashada 11 kursi oo ka mid Golaha Shacabka
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta dooashada maamulka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay liiska 11 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.
Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa waxaa qaarkood ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Xildhibaano saameyn badan ku dhex lahaa Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Musharax madaxweyne Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Khadiijo Maxamed Diiriye.
Kuraasta la shaaciyay doorashadkoda ayaa kala ah sumadooda HOP 005 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cumar Ceymooy, HOP 024 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Cabdulkadir Carabow Ibraahim, HOP 033 oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax kabaale, HOP 052 oo ay ku fadhiso Farxiyo Maxamud Dhaqane, HOP 070 oo uu ku fadhiyo Aadan Cali Xasan, HOP 088 oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud, HOP 097 oo ay ku fadhiso Khadiijo maxamed Diiriye, HOP 098 oo uu ku fadhiyo Maxamud Maxamed Jimcaale, HOP 106 oo ay ku fadhiso Muno Xasan Maxamed, HOP 115 oo uu ku fadhiyo Cali Maxamed Cumar, HOP 140 oo uu ku fadhiyay Sanadihii la soo dhaafay Cabdulkadir Osoble Cali oo kamid ah Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.
Doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa lagu wadaa in maamul goboleedyada si dardar leh ku bilaabaan, islamakaana ay kusoo gabagabeyaan waqtigii ay ku balameen madaxda Golaha wadatashiga Qaranka in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka.
Hoos ka akhriso Qoraalka ay soo saareen Guddiga Doorashada Hirshabeelle.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Labo qarax oo caawa ka dhacay magaalada Bosaso
1/16/2022 3:45 PM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Labo qarax oo ah bombada gacanta laga tuuro ayaa caawa lagu tuuray baro kantarool oo ciidanka Puntland ay ku baarayeen dadka iyo gaadiidka.
Wariye Cabdisalaan Germany oo markale xabsiga loo taxaabay
1/16/2022 3:36 PM EST
Axad, January, 16, 2022 (HOL) - Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdisalaan Germany), ayaa ciidan la aaminsanyahay in ay yihiin sirdooka Somaliland, ay ka kaxaysteen Hotelka Casood ee magaalada Hargaysa.
Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo sheegay in laysku dayay in la dilo
1/16/2022 10:32 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Xogeeya yaasha arrimaha gudaha, arrimaha bulshada iyo xogeeyaha gaar ka ah ee musharaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, ayaa sheegay in laysku dayay in la dilo xili ay ka qadaynayeen makhaayad ku taala xaafada Jigjiga yar ee Hargaysa.
Somaliland: Maxkamada sarre oo go’aan kasoo saartay dacwada xeerka furista ururrada siyaasada
1/16/2022 9:07 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Maxkamada Sarre ee Somaliland, ayaa gabi ahaanba diiday dacwadii ay 46 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ay ku doonayeen in maxkamadu ay fasiraad kaga bixiso qodobada 77aad iyo 78aad ee dastuurka ee la xidhiidha xeerka furista urrada siyaasada. Maxkamada ayaa sidookale aqbashay dacwad ay u gudbiyeen 24 siyaasi.
Dagaal ka dhacay duleedka Baledweyne iyo Al-shabaab oo sheegatay inuu dirqi kaga badbaaday guddoomiyaha gobolka Hiiraan
1/16/2022 8:53 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta ku dhexmaray duleedka Waqooyi Galbeed ee magaalada Baledweyne ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.
Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay jadwalka doorashada 10 kursi oo aqalka hoose ah
1/16/2022 7:55 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowladd Goboleed ee Puntland oo fulinaya heshiisyadii Madashada qaranka, ayaa maanta soo saaray qabashada jadwalka Doorashada ee 10 kursi oo ah kuraastii horey loo shaaciyay.
Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow oo qarax ismiidaamin ah lagula eegtay Muqdisho
1/16/2022 4:22 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Af-hayeenka xukuumada Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa lagusoo waramayaa inuu ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho lagula beegsaday.
Duqa magaalada Jigjiga " Mudnaanta waxaa iska leh dhirta dadwaynaha ka dhaxaysa"
1/16/2022 2:54 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Maamulka magaalada Jigjiga ayaa ka jawaabay adhi la sheegay in lagu gawracay badhtamaha magaalada Jigjiga, kaas oo lagu eedeeyay inuu daaqay dhir ay dowladdu ku beertay hareeraha waddooyinka magaalada Jigjiga.
Abuukar Baalle: Soomaaliya waxay 4tii sano ee tagtay si joogto ah u bixinaysay qaaraanka Qaramada Midoobay
1/16/2022 2:08 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya afartii sano ee lasoo dhaafay ay si joogto ah u bixinaysay lacagta qaaraanka QM.
Wasaaradda Amniga Hirshabeelle oo amar ku bixisay inaan hub laga soo dajin karin garoomada diyaaradaha Baledweyne iyo Jowhar
1/16/2022 1:35 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka Amniga maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan kheyre ayaa waxaa lagu mamnuucay in hubka noocyadiisa kala duwan laga soo dajiyo garoomada doyaaradaha ee ku kala yaala magaaloyinka Baledweyne iyo Jowhar.
Haweenay u dhalatay British oo katirsanayd Alshabaab oo u carartay dalka Yemen
1/16/2022 1:24 AM EST
Axad, Janaayo, 16, 2022 (HOL) - Samantha Lewthwaite, oo haweeney u dhalatay dalka Britain oo katirsan kooxda Alshabaab oo loo maleynayo in ay mas’uul ka tahay dhimashada boqolaal qof ayaa u qaxday dalka Yemen, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Somali News
Somalia government spokesman wounded in blast in capital: Reports
-
Al-Jazeera
1/16/2022 4:38 AM EST
Somalia’s government spokesperson was wounded on Sunday in an explosion in the capital suspected to have been set off by a suicide bomber, state-run media reported.
New Chinese fleet sent for Gulf of Aden escort mission
-
Xinhua
1/16/2022 12:59 AM EST
The 40th fleet of the Chinese People's Liberation Army (PLA) Navy set out from a military port in the city of Zhanjiang, south China's Guangdong Province, on Saturday to conduct an escort mission in the Gulf of Aden and the waters off Somalia.
British 'White Widow' terrorist Samantha Lewthwaite, 37, splits from her FOURTH husband after seven years of marriage and flees Somalia
-
Daily Mail
1/16/2022 12:35 AM EST
The British-born terrorist who is thought to be responsible for the deaths of hundreds of people has split from her latest partner and fled to Yemen, security sources have said.
New Chairman of the Federal Electoral Commission elected
-
HOL
1/16/2022 12:20 AM EST
Mogadishu (HOL) - The Federal Electoral Commission (FEC) has elected Muse Ghelleh Yusuf as the new chairman of the Federal Elections Implementation Team Electoral (FEIT) following an election at the Aficio Tent in Mogadishu on Saturday.