4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Guddiga doorashada Galmudug oo shaaciyay doorashada 21 kursi oo aqalka hoose ah
 

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa caawa shaaciyay doorashada  21 kursi oo aqalka hoose ah.

Waa kuraastii ugu badnayd oo halmar la shaaciyo doorashadooda tan iyo markii ay bilowdeen doorashooyinka aqalka hoose ee Soomaaliya.

Golaha wadatashiga qaran ayaa dhawaan ku heshiiyay in doorashada golaha shacabka lagusoo gabagabeeyo muddo 45 cishe gudaheed ah.

Raysal wasaare Rooble ayaa dhowaan faray guddiyada doorashada in ay si degdeg ah u bilaabaan doorashada aqalka hoose.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online