4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo war kasoo saartay duqeyn loo geystay xarumaha shirkadda Hormuud
 

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in la duqeeyay xarumo isgaarsiineed oo ay leedahay shirkadda iagaarsiinta ee Hormuud.

Duqaynta ayaa lala beegsaday xarumo ay shirkadda Hormuud ku lahayd gobolada Jubbooyinka iyo gobolka Gedo. Balse lama sheegin khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

Wasaaradda gaashaandhigga ma sheegin cidda ka dambeeysay duqeymaha, waxayna sheegtay in sameynayso baaritaan, iyadoo la xiriiraysa AMISOM iyo dowladdaha Soomaaliya ka caawiya howlgallada amni ee Alshabaab lagula dagaalamayo.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore duqeymo ku garaacday xarumaha shirkadda Hormuud ee Gedo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online