4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay miisaaniyada 2022
 

Sabti, January, 15, 2022 (HOL) - Golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyay miisanadiyada xukuumada Somaliland ee sannadkan 2022, oo dhan 3,447,802,505,538 (Saddex Tiriliyan, Afar Boqol iyo Toddoba iyo Afartan Bilyan, Siddeed Boqol iyo laba milyan, shan Boqol iyo shan kun iyo shan  boqol siddeed iyo soddon  shilin).

Kalfadhiga maanta ee golaha oo ay kasoo xaadireen 67 mudane, ayaa waxaa ansixiyay 57 xildhibaan, waxaa diiday 6 xildhibaan, waxaa ka aamusay 3 xildhibaan, guddoomiyuhuna muu codayn.

Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiilada, ayaa miisaaniyada wax ka badal ku  sameeyay, iyagoo hay'addaha qaarkood u kordhiyay qoondada ay miisaaniyada ku yaalanayaan. Guddida ayaa soo jeedisay in 1 milyan oo dollar lagu kordhiyo lacagta qabashada doorashooyinka sannadkan dhacaya oo 4 milyan markii hore miisaaniyada ugu jirtay.

Sidookale, ciidamada oo ay xukuumadu mushaarkooda u kordhisay 20% sannadkan 2022, ayay ugu dareen 10% oo kale taasi oo ka dhigan in 30% mushaarka ciidanka la kordhiyay. Sidookale hay'addo kale oo dhawr ah ayay u kordhiyeen qoodada miisaaniyada.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa iskugu gacan qaaday khilaaf ka dhashay habka loo maamulay ansixinta miisaaniyada iyagoo xildhibannada qaarkood ay ku doodeen in aan si haboon looga doodin oo si duu duub ah lagu ansixiyay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]