4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Hargaysa: Inan geeriyootay maalintii meher keeda
 

Sabti, Janaayo, 15, 2021 (HOL) – Faadumo Cismaan Aadan oo saaka loo balan Sanaa in loo meheriyo Khaalid Maxamed Maxamuud oo ka yimid dalka Maraykanka, ayaa isbitaal ku yaala magaalada Hargaysa ku geeriyootay sacado yar ka  hor wakhtigii loo  balan sanaa in meherkeedu dhaco.

Faadumo ayaa waxaa kusoo booday xanuunka faaliga galinkii danbe ee Jimcihii shalay, kadibna waxaa la dhigay isbitaalka Hargaysa International Hospital oo ku yaala magaalada Hargaysa.

Qoraa Axmed Karaama oo ay Faadumo jaar  ku ahaayeen xaafada Maxamed Mooge ee Hargaysa muddo 15 sanno ah, ayaa bogiisa Facebook ku qoray, in isaga oo dalka ka maqan ay Faadumo ka codsatay in aanu ka maqnaan farxadeeda.

“Walaashay, isla hadda ayaan u sii lebbistay sidii aan uga qaybgeli lahaa meherkeeda oo ku beegnaa isla maanta. Anigoo waddanka ka maqan ayay igu odhan jirtey ii soo dhakhso walaal aad ila joogtid maalinta farxadayda e. Waan ka xumahay inaan maanta u joogo geerideeda. Walaashay waxaa si lama filaan ah ugu soo booday Faalig!” ayuu yidhi Karaama.

“Qoraalkan waxaan soo qorey iyada oo ay gacmaha iyo wadnuhuba i gariirayaan wallaahi. Ma aqaan waxaan ku sifeeyo dareenkayga”.

Geerida Faadumo ayaa gilgishay baraha bulshada, dadka oo dhan ayaa ku sheekaysana farxada murugada isku badashay qofkasta oo yaqaanay ama maqlay sheekadeedana waxay ku abuurtay dhiilo.

Alle ha u naxariistee Faadumo Cismaan Aadan oo hada aaskeedu ka socdo magaalada Hargaysa, waxay ahayd umuliso caafimaad oo ka howl gasha Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, halkaasi oo ay ka howlgalaysay 6 dii bilood ee u danbaysay.

Xirfada umuliso nimada ayay ka baratay machadka culuumta caafimaadka ee Shaafi College oo ku yaala magaalada Hargaysa.

Waxa kale oo ay magaalada Hargaysa ku lahayd meherad koofeer ah (cilaan saar), sida ay Hiraan Online usheegtay Sagal Maxamuud Daahir oo ay saaxiib dhow ahaayeen.

10, July, 2021 ayay ahayd markii sidanoo kale ay baraha bulshada u qabsatay geerida dhiilada leh ee Axmed Dheeg Cismaan, oo shil baabuur ku yeeriyooday kadib xafladii maherkiisa magaalada Harta-sheekha ee Itoobiya, sida si lamid ahna Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali Cumar, oo ahaa aroos cusub, ayaa aad looga naxay kadib markii ay ku geeriyoodeen qarixii Hotel Afrik ee 31, January, 2021.

 

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]