4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Weerarada Alshabaab ee gobolka xeebta Kenya oo mugdi galiyay dekeda cusub ee Lamu
 

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa caqabad  kala kulmaysa isticmaalka dekedda cusub ee Lamu oo dhawaan la dhisay iyadoo khataraha amni ee soo koraya ay halis galinayaan habsami u socodka dhismaha xaruntan oo la daalaa dhacaysa sidii ay u soo jiidan lahayd ganacsiga kadib markii uu dhamaaday wajigiisii koowaad.

Gobolka xeebta ee Lamu ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay weeraro lagu hoobtay oo la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab, taasoo keentay in dowladdu ay gobolka Lamu kusoo rogtay bandow 30-maalmood ah.

Weeraradan ayaa waxaa ku dhintay 13-qof oo ay ku jiraan 4-askari oo booliis ah kuwaasoo ku dhintay qarax lala beegsaday gaari ay la socdeen.

Rabshadahan ayaa mugdi madow gelinaya Dekadda Lamu, inkastoo dowladda ay xaqiijisay in amni darrada aysan saameyn ku yeelan doonin sii shaqeynta dekeda.

"Dowladdu waxay dejisay dhammaan tallaabooyinka lagu sugayo ammaanka Lamu. Hawlgalka ballaaran ee amniga ee socda waa inuusan ka nixin maalgashadayaasha ama uusan saameyn ku yeelan ganacsiga dekedda cusub ee Lamu, "ayuu yiri Karanja Kibicho, Xoghayaha Guud ee Arrimaha Gudaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online