4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Nin Soomaali ah oo 17 sano ku xiran xabsiga Guanatanamo Bay oo lasii daynayo

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa oogolaatay in xabsiga Guantanamo Bay laga sii daayo maxbuus Soomaali ah oo in ka badan 17 sano halkaas ku xirnaa, isagoo aan maxkamad la soo taagin.

Guuleed Xasan Duraan, oo 47 jir ah, ayaa lagu wadaa in xabsiga laga sii daayo 20-ka bishan, kadib markii ay muddo dheer qoyskiisa cabasho  ka muujinayeen xirnaashihiisa.

Sii dayntiisa ayaa lagusoo beegay sanad guurada 20-aad ee xabsiga Guantanamo Bay, oo markii ugu horreysay laga aasaasay 2002 gudaha Cuba, si loogu xiro argagixisada adduunka oo dhan.

Duraan ayaa Jabuuti laga qabtay sannadkii 2004-tii isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa Al-Qaacidada Afgaanistaan.

Ninkaan Soomaaliga ah ayaa qeyb ka ah shan maxbuus oo kala ah,  saddex Yemeni ah, mid Kenyaan ah, kuwaas oo maamulka madaxweyne Joe Biden uu go’aansaday inuu xabsiga kasii daayo.

Raggan midkoodna laguma soo oogin wax dambi ah, waxaa loo haystay tuhun ka dhan ah argagixisnimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online