4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashada Dadban ee FEIT oo Maanta ka dhacysa magaalada Muqdisho
 

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee heer Fedaraal, kadib markii dhawaan xilkaasi guddiga ay ka xayuubiyeen Maxamed Xasan Cirro oo horay u ahaa guddoomiyahii guddiga doorashooyinka FEIT.

Doorashada Maanta dhaceysa waxaa ku wada tartami doono xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal, waxaana saacadahii ugu dambeeyay laga dhex dareemaayay gudaha magaalada Muqdisho, xodxodasho balaaran ay sameynayeen Musharaxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyenimo iyagoo codadka weydiisanaya xubnaha guddiga ee aanan qeybta ka aheyn u tartamida guddoomiyaha guddiga.

Waxaa goobjoogayaal ka ah doorashada Maanta dhaceysa xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka, Xafiiska Raysal wasaare Rooble, Ururda Bulshada Rayidka ah iyo Wabaahinta, si doorashada natiijadeeda ay u noqoto mid lagu wada qanci karo.

Doorashada maanta dhaceysa waxaa sidoo kale la tilmaamay in si weyn ugu loolamayaan madaxda ugu sareysa dalka Farmaajo iyo Rooble oo haatan khilaaf culus ka dhaxeyo, kuwaas oo mid walba uu doonayo inuu guddoomiyaha cusub uu dhankiisa noqdo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online