4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 15, 2022
Madaxweyne Deni: Iscasilaadii guddoonka guddiga doorashada ma hor istaagi doono geeddi socodka dimuqraadiyada Puntland
 

Sabti, Janaayo, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay iscasilaadii guddoomiyaha guddiga doorashada Puntland iyo ku xigeenkiisa in aanay hor istaagi doonin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu la wadaagay beesha caalamka ku sheegay, in Puntland ay sii wadi doonto doorkeeda hoggaamineed ee geedi socodka dimoqraadiyada, ayna fulin doonto hamigeeda dimoqraadiyadeed

“Dowladda Puntland waxay u xaqiijinaysaa shacabkeeda, iyadoo nasiib darro u aragto iscasilaadii guddoonka guddiga doorashada, in ay ka go’an tahay dhameystirka golayaasha deegaanka ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, si horey loogu socdo,” ayuu yiri Deni oo kulan la qaatay guddiga doorashada Puntland.

Deni ayaa uga mahad celiyay beesha caalamka taageeradeeda ku aadanayd guusha doorashooyinkii hordhaca ahaa ee saddexda degmo , wuxuuna sheegay in ay ka go’an tahay hirgalinta doorashooyinka golayaasha deegaanka ee harsan.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online