4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Shirkadda Freedom Airline oo dayaarad qaad-weyn ku soo kordhisay dayaaradaheeda
 

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Shirkadda duulimaadyada ee Freedom Airline ee uu fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ayaa dayuuradii ugu qaad-weyneyd ku soo kordhisay dayaaradeeda. Dayuurddaan oo ah nooca AIRBUS 320 ayaa noqoneysay dayuuraddii labaad laga diiwaan-galiyo dalka Kenya.

Dayuuraddaan Airbus 320 ayaa noqoneysa  diyaaradii 12 naad oo ay yeelanayso shirkadda Freedom Airline oo kamid ah shirkaddaha diyaaradeed ee gaarka loo leeyahay ee ugu weyn Bariga afrika.

Diyaaradan Airbus 320 ayaa duulimaadyo caalami ah ku tagidoonta dalalka kahliijka iyo waddamo kale. waxayna fursad u tahay dadka ku nool bariga Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Munaasabada lagu daah furayay diyaarada ku soo biirtay Freedo Airline ayaa waxaa ka soo qayb-galay qeybaha kala duwan ee shirkaddaha dhanka duulista iyo masuuliyiin katirsan dowladda Kenya.

Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha ee dowladda Kenya Christopher Obure ayaa xarriga ka jaray, wuxuuna bogaadin u jeediyay horumarka ay sameynayso shirkadda Freedom Airline.

Freedom Airlines waxaa la aasaasay sanadkii 2008-dii waxaana aasaasay shakhsiyaad ganacsato ah, waxayna noqotay mid ka mid ah shirkadaha si weyn uga duula gudaha dalka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online