4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Dhalinyaro badan oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Waxaa xalay ilaa shalay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay ilaa 6 dhalinyaro ah  oo aanan waxba galabsan.

Dhalinyarada lagu dilay magaalada Muqdisho saacadahii ugu dambeeyay ayaa u badan kuwa laga dhaacayay talefanada gacanta lagu qaato oo ay burcada hubeysan doonayeen iney ka dhacaan.

Dhalinyarada dilalka loogu geystay meelo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa afar ka mid ah waxaa la xaqiijiyay in la dilay xili tuugo hubeysan ay doonaayeen iney ka qataan talefanadooda gacanta ah, waxaana laba ka mid ah afartaas wiil magacyadooda lagu sheegay Cabduqaadir Xasan Ashkir iyo Cabduqaadir Nuur, waxaana labada kale la sheegay in mid ka mid ah uu dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo kan kale aan la ogeyn cida dishay.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka magaalada muqdisho oo ku aadan dilalka saacadahii ugu dambeeyay ka dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho

Maalmihii lasoo dhaafay Waxaa muqdisho kusoo badanayay kooxaha hubeysan ee dhaca taleefannada gacanta lagu qaato, kuwaas oo si bareer ah u dila qofkii diida inuu dhiibo taleefankiisa.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online