4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo shaqo joojin ku sameeyay Maareeyahii Hay'adda Tayo dhowrka Soomaaliyeed
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta dowladda Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay inuu shaqada kaga joojiyay Maareeyaha guud ee hay'adda Tayo dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Wareegtada kasoo baxday Wasiir Khaliif Cabdi Cumar ayaa lagu sheegay in Maareyaha shaqada looga joojiyay xadgudubyo kala duwan uu ku kacay iyo wadashaqeyn la'aan, waxaana xilka Maareeyaha guud ee hay'adda Tayo dhowrka Soomaaliyeed si kumeel gaar ah loogu magacaabay Maareeye ku xigeenkii hay'adda.

Wasiirka Ganacsiyada ayaa sidoo kale faray dhamaan hay'addaha kala duwan ee wadashaqeynta kala dhaxeyso hay'adda Tayo dhowr iney la shaqeeyaan oo ay gacan siiyaan Maareeyaha kumeel gaarka ah ee hay'adda Tayo dhowrka Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online