4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 11, 2022
Madaxweynaha Maraykanka oo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah xil sare u magacaabay
 

Talaado, Janaayo, 11, 2022 (HOL) - Xamse Warfaa oo ahaa gudoomiye ku xigeenka waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota ayaa madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden wuxuu u magacaabay lataliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Xamse Warfaa ayaa noqonaya masuulkii ugu darajada sareeyay ee Soomaali ee xil caynkaan ah looga magacaabo madaxtooyada Maraykanka, waxayna magacaabidiisa qayb ka tahay ballan-qaadyadii lagaga hadlay shir-madaxeedka horumarinta dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka adduunka oo dhan oo bishii hore ka dhacay dalka Maraykanka.

Xamse ayaa door muhiim ah ka qaadan doona horumarinta dimuqraadiyadda adduunka iyo arrimaha qaabilaadda qaxootiga Maraykanka. War-saxaafadeed uu soo saaray, ayuu uga mahad-naqay Madaxweyne Joe Biden magacaabistiisa.

Masuulkaan ayaa waxa uu ku biirayaa Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga, iyo Socdaalka, oo ah xafiis Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan ilaalinta dadka barakacay. Xafiiskan ayaa sidoo kale kula taliya madaxweynaha go'aaminta tirada qaxootiga uu Maraykanku aqbali doono sanad gudihiis.

Xamse waxa uu markii ugu horaysay isagoo qaxooti Soomaali ah tagay dalka Maraykanka sannadkii 1994-kii, isaga oo dhalinyaro ah, waxa uu bartay cilmiga siyaasadda iyo maamulka ururrada, waxaana uu ka dhistay xirfado ganacsi iyo mid gaar loo leeyahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online