4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Raysal wasaare Rooble oo magacaabay guddi baaris ku sameeya afgambi uu sheegay in xafiiskiisa lala damacsanaa
 

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya isku day afgambi oo uu sheegay in lagu samayn lahaa xafiiskiisa iyo xafiiska golaha wasiiradda.

Magacaabidda guddigaan ayuu raysal wasaaruhu sheegay inay qeyb ka ahayd go'aannadii kasoo baxay shirkii golaha wasiiradda ee khamiistii hore.

Afgambigaas dhicisoobay ayuu raysal wasaare Rooble iyo xubno kamid ah wasiiraddiisa waxay ku eedeeyeen in madaxtooyada in lagasoo abaabulay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah, waxaana guddigan uu madax uga dhigay Wasiirka wasaaradda gaashaanshigga Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada Guddiga :-

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji - Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online