4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Muqdisho : Ciidamada amniga oo fashiliyay gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Gaari kuwa raaxada oo uu noociisu yahay Harrier  ayaa caawa ku qarxay meel u dhaw Isgoyska Baar Ubax ee Magaalada Muqdisho.

Hal qof oo ismiidaamiye ah ayaa ku geeriyooday labo kalana wey ku dhaawacmeen Qaraxan sida ay sheegeen laamaha ammaanka ee booliiska.

Taliyaha Ciidanka Booliska saldhigga Dagmada Howlwadaag Najiib Cabdi Abiib  oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in gaariga uu xoog ku soo dhaafay Isgoyska Carwa Idka kadibna uu qarxay iyadoo ay ciidamadu ceyrsanayeen.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka hortageen gaarigaan  inuu gaaro goobtii bartilmaameedka u ahaa, wuxuuna sheegay inuu ismiidaamiyihii waday gaariga uu kaligiis ku naf-waayay qaraxa gaarigan.

Ciidamada Amniga ayaa sheegay in ay xoojiyeen ammaanka gobolka Banaadir, xilli uu khilaaf siyaasadeed ka dhex taagan yahay madaxda ugu sarraysa dowladda federalka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online