4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Baledweyne, kuna hanjabay dagaal cusub
 

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay hareerahiisa fadhiyeen taliyeyaasha ciidamada Militariga, Booliiska iyo Nabadsugida ayaa ku dhawaaqay dagaal cusub oo uu sheegay in lagu xaqiijinaayo amaanka Baledweyne.

Waxuu sidoo kale ka hadlay guddoomiye Jeyte dagaal habeen hore ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne oo uu sheegay in la doonayay in isaga lagu khaarajiyo oo ay waxba kama jiraan tahay inuu weerarka qaaday.

"Aniga 30 daqiiqo kadib ayaan ogaaday in cida ina xabadeyneysa aysan aheyn nabad diidka oo markii hore aan mooday, mana jirin cid aan weeraray ee anago kolanyo ah ayaa weerarka nagula bilaabay waana u mahadcelina cid walbo oo iisoo gurmatay" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa ku dhawaaqay in maanta kadib aysan dhici doonin in xaalada Baledweyne sidaan sii ahaato oo rag hubeysan dhinacyada ka joogaan.

"Muddo sanad ka badan ayaan ku nooley catii laa tactii, mana ahan nolol aan kusii noolaan karo ama dib aan ugu sii jireyno, maanta kadib ma dhici doonto inaan fiirsano qolayaha hubka ku heysta Baledweyne iyo Ceelgaal inta u dhaxeysa, waa in amaanka la xaqiijiya oo anan lagu sii jirin nolosha noocaan halka sano ka badan ku jirnay" ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili habeen ka hor dagaal culus uu ku dhexmaray gudaha magaalada Baledweyne ciidamada Militariga dowladda, kuwa maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamo ka amar qaata Korneel Nuur dheere oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay kacdoonkii ciidanka Badbaado Hiiraan. 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online