4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Puntland oo la wareegtay hub sharci darro ah oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Puntland ayaa maanta la wareegtay hub sharci darro ah oo ka koobnaa qoryaha fudud iyo kuwa daran dooriga u dhaca, kuwaas  oo ahaa hub ay gacanta ku dhigeen ciiddanka ammaanka gobolka Mudug.

Maxkamada Gobolka Mudug ayaa hubkaan u sharciyaysay laamaha amniga, si looga shaqeeyo adkaynta nabad galyada, halkii markii hore looga shaqayn jiray qalqal galinta ammaanka magaalada Gaalkacyo.   

Iska hor imaad dhawaan ka dhacay Gaalkacyo oo dhex maray ciiddanka amniga iyo dabley ka ganacsatada maandooriyaha ayay ciiddanku ku guulaystaan in ay gacanta ku dhigaan hub iyo maandooriye.

Howlgalkaas waxaa ciiddanka amniga kaga geeriyooday hal askari, labo kalena way kaga dhaawacmeen.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Cabiladiif Muuse ayaa ciiddanka amniga ku amray in ay sajuuda ka toogtaan ciddii lagu qabto iydoo ka shaqeynaysa fidno iyo amni xumo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay kooxaha maandooriyaha in ay ula dagaalami doonaan si lamid ah Alshabab, isagoo ku tilmaamay inay yihiin cadowga labaad ee gobolka Mudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online