4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Midowga Afrika oo ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo raysal Wasaare Rooble in ay heshiiyaan
 

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Guddiga Midowga Afrika ayaa ku booriyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo raysal wasaare, Maxamed Xuseen Rooble inay wada hadal yeeshaan kaddib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa wuxuu ku baaqay in la xakameeyo, oo  la sii wado wada-shaqeynta iyo wadahadalka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha si xal siyaasadeed loogu helo xaaladdan taagan.

Baaqan ayaa yimid ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu muujiyay sida ay dowladda Maraykanka uga soo horjeedo iskudaydii uu madaxweyne Farmaajo shaqada kaga joojiyay raysal wasaare Rooble.

Xiisada u dhaxeysa Farmaajo iyo Rooble ayaa maalmihii lasoo dhaafay cirka isku sii shareereysay.

Farmaajo ayaa 27-kii December laalay awooddii Rooble, isagoo ku eedeeyay musuq-maasuq uu ku sameeyay dhul ay leeyihiin ciiddamada xoogga. Balse Rooble ayaa diiday go’aanka Farmaajo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online