4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Raysal wasaare Rooble oo kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka dhexmaray Rooble, Axmed Madoobe iyo Saciid Dani ayaa ahaa mid ay uga wada arinsanayeen qabanqaabada shirka Golaha wadatashiga Qaran ee lagu dardar gelinayo howlaha doorashooyinka dalka.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho"ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho shirka Golaha wadatashiga qaran, kaasoo baaqday todobaadkii lasoo dhaafay kadib khilaaf culus oo soo kala dhex galay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ku sugan oo diyaar u ah ka qeybgalka shirka wadatashiga madaxweynayaasha Jubbaland, Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle, waxaana sido kale wali cadeyn in madaxweynaha Koofur Galbeed oo horay u diiday ka qeybgalka shirkan inuu kasoo qeybgali doono, walow ay jiraan caadis uga imaanaya Beesha Caalamka oo ah inuu ka qeybgalo shirka wadatashiga Qaran.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online