4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 1 , 2022
Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo shaaciyay doorashada 11 kursi oo aqalka hoose ah

Sabti, January, 1, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur galbeed ayaa soo saaray doorashada 11 kursi oo katirsan aqalka hoose, kuwaas oo dhawaan doorashadooda ay qabanayaan.

Guddiga ayaa saxid ku sameeyay kursiga HOP#067 oo ku jiray kuraas ay xalay shaaciyeen, waxayna sheegeen in ay ku qaldeen kursiga HOP#002.

Kursiga 067 ayaa kamid ahaa kuraastii lagu doortay Galmudug ee uu ku guulaystay taliyaha kumeel gaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey.

Koonfur Galbeed ayaa horey u sheegtay in khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda Soomaaliya uusan saamayn ku yeelan doonin hab sami u socodka doorashada ka socota deegaannadooda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online