Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Guddiga mamulka doorashada heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa caawa si rasmi ah u shaaciyey Jadwalka doorashada 16 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay mahaalada Bosaso.
newsinsideGuddiga ayaa war-saxaafaddeed ay soo saareen waxay ku aheegeen in doorashada kuraastaan ay dhicidoonto shanta illaa lixda bisha maarso.
Doorashashada kuraastaan oo ay u hanqal taagayaan siyaasiyiin horey ugu fadhiyay iyo kuwo cusub, ayaa kuraasta qaar la filayaa in ay noqdaan kuwo si furan loogu tartamidoono.
Warar aan helayno waxay sheegayaan in Isimada gobolka Bari ay madaxweyne Deni cadaadis ku saareen inuu faraha kala baxo doorashada oo aysan dhici karin in cid gaar ah kuraasta loo xiro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online