4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 27, 2022
Jigjiga: Hay'adaha amniga ee dowlad degaanka Soomaalida oo xiray SAHAL HOTEL iyo mulkiilihiisii
 

Axad, Febraayo, 27, 2022 (HOL) - Hay'adaha ammaanka ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa albaabada isugu dhuftay Sahal Hotel oo ku yaal magaalada jigjiga, kaddib markii galinkii hore ee maanta ay xubno mucaarad ahi damceen in hotelka ay shir ku qabsadaan.

Xubnahan mucaaradka ah oo lamagac baxay garabka sixitaanka ee PP, iyo taageerayaashooda ayaa saaka rabay in shir ay ku qabsadaan hotelkan, shirkaas oo ay ku sheegeen in dhaqaale loogu ururinayo dadka ay abaartu saamaysay, balse ciidanka amniga ee degaanka ayaa dadkii kala eryay, qaarna xabsiga u taxaabtay.

Sidoo kale galinkii dambe ee maanta waxay hay'adaha amnigu xabsiga dhigeen mulkiilihii hotelkan oo lagu magacaabo Saada Cali Sahal, walise lama caddayn sababta xadhigeeda.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda, oo ku saabsan hotelkan albaabada la isugu dhuftay iyo xadhigga mulkiilaha hotelkan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]