4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 21, 2022
Qarax miino oo lagu weeraray Kolonyo galbineysay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni
 

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Kolonyo ciiddan oo galbinaysay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa lagu weeraray Qarax miino, iyagoo sii galayay magaalada Boosaaso.

Qaraxan oo ahaa mid horey loosii diyaariyay ayaa haleelay mid kamid ah gaadiidka ciiddan ee sugayay amniga madaxweynaha Puntland, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Labo askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen qaraxan, tiro kaloo intaas ka badan ayaa ku dhaawacmeen, waxaana qaraxa kadib rasaas furay ciidanka, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Waa markii ugu horraysay oo madaxweyne Deni qarax lagu weeraro, waxaana arrintaas ay kusoo aadaysaa xilli magaalada Boosaaso xaaladdeeda amniga ay sii xumaanayso.

Alshabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay weeraro qaraxyo ah ka geysanaysay magaalada Boosaaso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online