4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2022
Doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi oo lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho

Isniin, Febraayo, 21, 2022 (HOL) - Saddexdii xildhibaan ee ugu dambeeyay ee doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi ee golaha Shacabka, ayaa maanta doorashadooda lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada la doortay ayaa kala ahaa Samsam Muxumed Cumar, Maxamed ibraahim Cabdi, Cabdiraxmaan iidan Yoonis.

Guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa sheegay in doorashadu ay qaadatay saddex billood iyo 20 maalmood, waxayna noqdeen guddigii ugu hor bilaabay doorashada, maantana noqday guddigii ugu hor dhammeeyay hawlaha doorashada ka hor 25/02/2022.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada, ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland howsha ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannada deg deg u soo gebagabeeyaan.

“Sida aan ballanqaaday, waa inaan afarta cishe ee hartay waqtigii aan qabsanay ku dhameynaa doorashada. haddaan dadaalno sameyn karaa. Marka kubbadda dhinaceena ayay jirtaa. Soo dhameeyaa sida ugu dhaqsiyaha badan, si loogu howlgalo doorashada doorashada afhayeenka barlamaanka,” ayuu yiri raysal wasaaruhu’.

Tirada la doortay ee xildhibaannada gobollada Waqooyi, ayaa ah  46 xildhibaan. 23 xildhibaan dib ayaa loo doortay. 23 way ku cusub yihiin barlamaanka, 33 kamid ah waa rag, halka 13 kale ay dumar yihiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online