Axad, Febraayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada kuraasta Golaha Shacabka gobolada waqooyi ee Soomaaliland ayaa shaaciyay qabashada doorashada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.
newsinsideWar qoraal ah oo kasoo baxay guddiga doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa lagu sheegay in doorashada sadaxda kursi ee kala ah HOP 264, HOP224, HOP 242, ay dhici doonto 17-ka bishaan Febraayo oo ku beegan maalinta Khamiista ee soo socota.
Kuraasta la shaaciyay doorashadooda waxaa ee kala HOP, 264, waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Cabdifataax Ismaaciil Daahir, halka, HOP 224, uu isna ku fadhiyay Saalax Axmed Jaamac, iyadoo HOP 242, ay ku fadhisay afartii sano ee lasoo dhaafay Faadumo Ismaaciil Xuseen.
Hoos ka akhriso jadwalka ay soo saareen guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online